Dowladaha Faransiiska, Isra’ill iyo Marocco oo iska kaa shanaya qorshe lagu afgambinaayo Aljeria

Aljeria (Raxanreeb online) – Sirdoonka dalka Faransiiska oo garab buuxa ka helaya maamulka Israa’iil, ayaa ka shaqeenaya sidii loo afgembin lahaa dowladda Aljeria, oo si weyn uga soo  horjeeda qorshaha dowladda Marocco ay ku doonayso dhulka saxaraha galbeedka.

Sidoo kale, wararkaa ayaa intaasi ku daraya in sirdoonka Faransiiska ka shaqeenayo abuuritaanka kooxo fallaago ah oo kasoo horjeeda dowladad Aljeria, si ay kooxahaasi u sameeyaan afgembi talada looga tuuro nidaamka hadda haya talada dalka Aljeria.

Dhankeeda dowladda Aljeria oo heshay xogta qorshahan ay iska kaashanayana dowladaha Faransiiska, Israa’iil iyo Marocco, ayaa heygan buuxa galisay ciidankeeda sirdoonka, waxa ayna isku dayayaan sidii looga hortagi lahaa qorshe kasta oo ay damacsan yihiin dalalkaasi Aljeria cadawga u aqoonsan tahay.

Marocco ayaa xiriir la sameysay Israa’iil oo iyana adeegsaneysa Faransiiska wakiil awoodeed oo wax burburin kara, taageerro militari iyo diblomaasiyadeedna bixin kara, hadda qorshaha ka socday Aljeeriya, ayaa lagu xiray Faransiiska, Morooco iyo Israa’iil inay qeyb ka noqon karaan.

Sikastaba, dalalka Aljeria iyo Marocco ayaa isku heysta dhulka saxaraha galbeedka, waxaana labada dal ka dhaxeeya colaad hore oo soo jireen ah, madaxda iyo shacabka Aljeria oo ah kuwa isku xiran ayaana si weyn isha ugu haya qorshaha Faransiiska maleegayo haatan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.