Nin ku caanbaxay Islaam naceybka oo xukun lagu riday

Sri lanka (Raxanreeb online) – Wadaad xagjir ah oo u dhashay dalka Sri Lanka aadna ay isugu dhawaayeen madaxweynihii xukunka laga tuuray Gotabaya Rajapaksa, ayaa lagu xukumay sagaal bilood oo xabsi ah sababo la xiriira inuu caayay Islaamka uuna kiciyay naceyb diimeed.

Sidoo kale, Galagodaatte Gnanasara ayaa Khamiistii loo xukumay hadal uu jeediyay sanadkii 2016.

Dhanka kale, Sri Lanka ayay dhif iyo naadir tahay inay xukun ku ridaan wadaaddada Budhism-ka, balse waa markii labaad ee xukun lagu rido Gnanasara, oo si joogto ah loogu eedeeyo dembiyada nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta.

Xukunka, oo maxkamadda Colombo ay ridday, ayaa imaanaya kadib markii cafis madaxweyne loo fidiyay sanadkii 2019 oo xabsi lix sano ah loo jaray sababo la xiriira inuu u hanjabay maxkamadda.

Gnanasara ayaa bishii December loo xiray hadallo uu ka sheegay shir jaraa’id uu qabtay isagoo Islaamka wax ka sheegay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhammaanba muwaadiniinta dalkaas ay xaq u leeyihiin xornimada diinta ay aaminsan yihiin sida uu qabo dastuurka dalkaas.

Wadaadkan ayaa sidoo kale lagu xukumay ganaax dhan 1,500 oo rubiga Sri Lanka ah ($5; £4).

Leave a Reply

Your email address will not be published.