Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, kaas oo maanta lagu doortay magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryay Guddoomiyaha cusub in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo doortay, oo ay kamid yihiin dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulka.
“Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillada sida ay uga soo dhalaaleenmas’uuliyaddooda, isagoo xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto taageerada iyo taabbagelinta maamulka, si wadajir loogu xaqiijiyo howlaha ka dhimman maamulka dhammeystirkooda”, ayuu yiri Xamsa
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalku ay dadaal badan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta maamulka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo u taagan xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply