Hiiraan (Raxanreeb Online) Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgalla gobolka Hiiraan, ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Ibraahin Yuusuf Nuur Muxumed, oo katirsanaa kooxda Al-shabaab isla markaana magaciisa afgarashada uu ahaa (Cimraan), kaasi oo muddo katirsanaa dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay Ibraahin, oo ku dhashay gobolka Hiiraan sanadkii 2006-dii, uu go’aansaday inuu ka faa’iideysto fursadda dowladdu iyo ciidanka qaranku u fidiyeen dhalinyarada ay marin habaabiyeen Al-shabaab.
“Isagoo ka badbaaday fikirka khaldan iyo marin-habaabinta cadowga, ayuu go’aansaday inuu isku soo dhiibo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si uu u helo nolol cusub oo ka fog khataraha Khawaarijta”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka.
Sikastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday in xubanaha katirsan kooxda Al-shabaab, ay fursad u heystaan in ay isku dhiibaan ciidanka xoogga, isla markaana ay ka faa’ideystaan cafiska dowladda, balse shaqsiyaadkii lagu qabto iyaga oo ka barbar dagaalamaya Al-shabaab sharciga la marsiin doono.

Leave a Reply