Shacabka magaalada Boorama oo ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

Boorama ( Raxanreeb Online) Weli waxaa magaalada Hargeysa ka soconaya debaal degga la xiriira aqoonsiga Somaliland ay ka heshay israa’iil, iyada oo tallaabadaasi noqotay mid ay u riyaqeen shacabka reer Somaliland.

Hayeeshe iyada oo taasi jirto, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Boorama, ayaa si adag uga dhawaajiyay in ay diidan yihiin inuu xiriir dhex maro Israa’iil iyo Somaliland, waxa ayna shegeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo qaadata calanka Yahuuda ee lagu dhex arko magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Sidoo kale shacabka ayaa si caro leh uga falceliyay heshiiska  Israa’iil ku sheegtay in dadka Falastiiniyiinta ah u soo rarayaan deegaannada Somaliland, isla markaana Somaliland ay arrintaasi ku badalatay aqoonsigii ay raadineysay.

Xaaladda magaalada Boorama, ayaa saakay deggan iyada oo shacabka ay shegeen in isugu soo bixi doonaan magaalada, isla markaana ay ka dhiidhin doonaan tallaabo ay qadeen madaxda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.