Gedo ( Raxanreeb Online) Kulan looga hadlayo amniga deegaannada gobolka Gedo, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo. Kulank ayaa waxaa ka goob joog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Gedo, Abdirashiid Xasan Cabdinuur (Abdirashiid Janan), Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cismaan Xaaji, iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo col Adan maxamed siyaad dhafoorey.
Taliyeyaasha ayaa ciidammada ku boorriyey inay laba-laabaan dadaallada amni, isla markaana ay u diyaar garoobaan guluf ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobolka loogana hortago falalka nabad-diidka.
Mas’uuliyiinta ayaa xusay in iskaashiga hay’adaha ammaanka iyo feejignaanta joogtada ahi ay laf-dhabar u yihiin sugidda nabadda iyo badbaadada shacabka ku nool Gobolka Gedo.



Leave a Reply