MW Xasan Sheekh oo Laascaanood ku qaabilay wefdi ka socda dowladda Jabuuti

Laascaanood (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi ka socda Dowladda Jabuuti oo ka qeyb galaya Munaasabadda caleemo-saarka madaxda la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, garab istaagga  ay u fidiyeen Soomaaliya, waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Dhankooda, Mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Jabuuti ee gaaray magaalada Laasacaanood ayaa ka kooban, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.