Booliska gobolka Banaadir oo amar culus ku soo rogay askarta hubeysan oo raacda Mooto Fekon

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliska booliska ee qeybta gobolka Banaadir, ayaa amar ka soo saaray askarta hubeysan oo raaca Mootada loo yaqaan Fekon, waxaana lagu waregeliyay in aan la ogaleen oo ay mamnuuc tahay.

Amarkan ayaa yimid kaddib markii shalay baraha bulshad auu qabsaday askari katirsan ciidanka dowladda oo dhac u geysanaya dad rayid ah, kaasi oo watay Mooto Fekon, waxaana markii dambe suurta gashay in ciidanka booliska ee Saldhigga Hodan ay gacanta ku soo dhigaan eedeysane D/le Liibaan Mustaf Aadan, kaa oo ku eedeysan dhac is xig xiga oo uu ka geystay dhowr degmo oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Geesta kale taliyaha booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir Macalin Mahdi, ayaa sheegay in eedeysanaha uu ku jiran gacanta booliska, loogan gudbin doono maxkamadda si sharciga loo marsiiyo.

Taliye Macalin Mahdi, ayaa bulshada gobolka Banaadir ku booriyay in haddii ay la kulmaan dhac ama fal amni darro ah, ay si degdeg ah u tagaan saldhigga u dhow ee booliska ama numberka gaaban ee 991.

Sidoo kale taliyaha ayaa markale ciidanka booliska ku adkeeyey muhiimada ay lee dahay in la qaato awaamiirta hay’adaha amniga, si loo xoojiyo nabadgalyada caasimada iyo guud ahaan mid dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.