Maxaa ka jira in hay’adda Duulista rayidka Somalia ay celin weysay diyaarad uu saarnaa in madaxweyne Cirro ?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo Hay’adda Duulista Rayidka ayaa wajaheysa fadeexad kadib markii diyaarad uu saarnaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro martay hawada Soomaaliya, iyadoona ku sii jeeday Garoonka Ben Gurion ee Magaalada Tel Aviv.

Diyaaradda Hawker 800XP, diiwaan numberkeeduna yahay T7-NKS oo ka diiwaan gashan San Marino ayaa ka soo duushay Itoobiya, iyadoona sida la sheegay Hay’adda Duulista Rayidka ay u oggolaatay diyaaraddan in ay adeegsato hawada Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa inta badan ku dooda diyaaradaha nuucan  in ay dansadaan Rader-ka, taasi oo keenta in aysan helin fursad ay kula hadlaan iyadoo marma hawada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.