Aaden Madoobe oo wajahaya xaalad ah labo daran mid dooro.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa xilligan wajahaya cadaadis siyaasadeed oo aad u adag, waxaana guddoomiyaha horyaalla mooshin ay diyaariyeen xildhibaano badan oo dalbanaya in xasaanadda laga qaado xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo taageeray Itoobiya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in guddoomiyaha Golaha Shacabka ku qasbeyso in uu qabto mooshinka lasoo gudbiyay lagana qaado xasaanadda xildhibaano dhowr ah, kuwaa oo sidoo kale la filayo in xeer ilaalinta dowladda dacwado qiyaano qaran in ay kusoo oogaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed , ayaa wali ka biyo diidan in xasaanada laga qaado xildhibaanada isku deegaanka yihiin, waxa uuna ka codsaday Villa Soomaaliya in la raadiyo xal aan aheyn xasaanad ka xayuubin.

Ilo ku dhaw dhwa Sheekh Aadan Madoobe ayaa laga soo xigtay in sidoo kale guddoomiyaha uu cadaadis kala kulnmayo xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaa oo ugu hanjabaya haddii uu mooshinkan qabto uuna dhaqangeliyo in isna xilka ka tuuri doonaan meel cidlo ahna kusoo dhici doono.

Sheekh Aadan Madoobe ayaana hadda waxaa heesta labo daran mid dooro, isaga oo ay ku adag tahay in uu kahor yimaado siyaasadda Villa Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka baqayaa haddii uu dhagaha ka fureesto xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed in uu waayo mustaqbalka dhaw cidda kursigiisa u difaacda.

Ugudambeyn, guddoomiyaha Golaha Shacabka oo muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa makarafoon ay Villa Soomaaliya adeegsato, ayaa xilligan wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad ugu adag, waxa uuna guddoomiyaha ku mashquulsan yahay latashiyo uu la yeelanayo lataliyaashiisa , si uu go’aan uga qaato xaalada taagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.