Abaabulka howlgallo ka dhan kooxda AS oo ka socda gobolka Hiiraan

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka heleyno gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidanka deegaanka ee Macawiisleey ay bilaabeen abaabulka howlgallo ka dhan Al-shabaab, iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Liibaan Cumar Xasan, ayaa sheegay in ay bilaawdeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in howlgalladan ay yihiin kuwa gobolka looga saarayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxa uu intaas ku daray in ciidanka deegaanka ay hayaan xogo ay ku duuli karaan, dhowaana la arki doono natiijada ka soo baxda howlgalka culus ee argagixisad looga saaro horjeedo, sida uu hadalka u dhigay afhayeenka.

Sikastaba, howlgallada ka dhan Al-shabaab ayaa hakad galay, waxaana socda kulamo looga arrinsanayo sidii loo xoojin lahaa howlgalladan si loo gaaro ujeedka laga lee yahay oo ah in guud ahaan gobolka Hiiraan laga soo celiyo gacanta maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.