Alshabaab oo weerar khasaare dhaliyay ku qaaday Xero ciidanka Uganda ay ku leeyihiin Buulamareer.

Buulamareer (Raxanreeb online) – Dagaalyahanada kooxda Al-shabaab ayaa xalay weerar culus oo madaafiic ku bilowday ku qaaday xero ay magaalada Buulamareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ka degan yihiin ciidamo katirsan kuwa nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu dhax maray kooxda Al-shabaab iyo ciidamada ATMIS, waxa ayna labada dhinac is dhaafsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoona dagaal socday ku dhawaad saacad kaddib Al Shabaab dib ugu laabteen halkii ay weerarka kasoo qaadeen.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka ay is dhaafsanayeen Al-shabaab iyo ciidamada ATMIS, waxaana xaalada cabsi ah lasoo daristay dadka deegaanka oo xabbadka dhulka dhigay intii ay rasaasta socotay.

Khasaare ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalka xalay dhax maray Al-shabaab iyo ciidamada ATMIS, waxaana la sheegay in saakay aagga dagaalka ka dhacay lagu arkay meydadka xubno katirsan Al-shabaab oo dagaalkii xalay ku dhintay.

Ugudambeyn, taliska ciidanka nabbad ilaalinta u jooga dalkeenna Soomaaliya ee ATMIS ayaan wali ka hadlin weerarka xalay Al-shabaab kusoo qaadeen xeradooda, lamana oga ilaa hadda khasaaraha kasoo gaaray weerarkii xalay dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.