Askar katirsan Isra’iil oo diiday in ay dib ugu laabtaan dagaalka ka socda Gaza.

Gaza (Raxanreeb online) – 20 Askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa diidday inay dib ugu laabtaan dagaalka Qasa, sababo la xiriira xaaladda ay kala kulmayaan dagaalka.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa ku qasbaysa inay dagaalka dib ugu laabtaan maxkamad militari ayaana ku wargelisay inay wajihi doonaan ciqaab haddii aysan amarka u hoggaansamin oo aysan dagaalka dib ugu laaban.

Si la mid ah qoysaska Israa’iil ayaa hadda u arka in la joogo waqtigii ay carruurtooda ka caawin lahaayeen inaysan dib dagaalka u gelin, sababtoo ah nidaamka Netanyahu wax dan ah kama leh nolashooda, sidaa waxaa ku warrantay warbaahinta Israa’iil ee Kan.

Dhanka kale, xaaladda ka jirta gudaha Qasa iyo iska caabinta ay la kulmayaan ciidanka Israa’iil ayaa ku dhalisay askarta Israa’iil inay ka fogaadaan gudaha Qaza, qaar ayaa xaaladan isku dilay, kuwa kalana maskax ahaan ayay u xannuusadeen oo sas iyo jahwareer ayaa ku dhacay, halka askari kasta oo Qasa ka baxa uu isku howlayo inuusan dib ugu soo laaban.

Ciidanka Israa’iil ayaa isaga baxay deegaanno ka tirsan Khan Yunis ee koonfurta Qasa, halkaasoo ay howlgallo ka wadeen 22 maalmood ee u dambeysay, sidaa si la mid ahna ay la kulmayeen weerarro uga imaanayay iska caabinta Qasa.

Ugudambeyn, Israa’iil ayaa u aqoonsatay bishan Agoosto, bishii ugu naxariista darneyd oo askar badan looga dilay gudaha Qasa, sababo la xiriira isbeddelada istiraatijiyadeed ee iska caabinta ay howlgalladooda ku sameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.