Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Xasan Sheekh oo ka degay degmada Aadan Yabaal
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta diyaarad ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Masar oo dooneysa in heerka dhalmada hoos loo dhigo
Madaxweynaha dalka Masar Cabadul Fattah al sisi ayaa sheegay in dalkiisu u baahanyahay inuu hoos u dhigo heerka dhalmada sibuu yiri looga baaqsado musiibo.
Iran iyo Sacuudi Carabiya oo 7 sano kadib is-dhaafsaday safiiro
Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iran ayaa Talaadadii gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka dhiggiisa uu ka degay Riyadh, taasi oo adkeysay dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka diblomaasi ee labada dal oo go’naa toddoba sano.
Hoggaamiyaha milateriga oo xilka madaxweynaha ee Gabon loo dhaariyey
Hoggaamiyaha milateriga oo xilka madaxweynaha ee Gabon loo dhaariyey
Marwada Koowaad ee Maraykanka oo laga helay COVID-19
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Maraykanka ayaa Isniintii sheegay in marwada koowaad Jill Biden in laga helay cudurka COVID-19.
Putin iyo Kim oo qorsheynaya kulan ay kaga hadli doonaan arrin xasaasi ah
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa qorsheynaya inuu bishan u safro Ruushka si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay warbaahinta wada shaqeynta la leh BBC-da ee CBS.
Saraakiil sarsare iyo ciidamo loosoo qabtay dilka dibadbaxayaal loogu geystay Kongo
Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan militariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in ay amreen in awood wax lagu dilo loo adeegsado dibadbax la mamnuucay.
Raysal Wasaaraha Israa’iil oo amar ku bixiyay in la tarxiilo dad Afrikaan ah
Israa'iil ayaa ka fiirsanaysa tillaabooyin adag oo ay ku jiraan in si degdeg ah loo masaafuriyo magan-galyo-doonka Eritrea ee ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay Tel Aviv Sabtidii.
Jeneraalkii ina adeerkii xilka ka turay oo loo dhaarinayo maanta madaxweynaha Gabon
Madaxa militariga ee Gabon, Jeneraal Brice Oligui Nguema, ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xilka madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi.








