Author: mowliid A (mowliid A)

Kooxda RSF oo lagu eedeeyay duqeyn lagu laayay 158 qofood oo ka dhacday Omdurman
Post

Kooxda RSF oo lagu eedeeyay duqeyn lagu laayay 158 qofood oo ka dhacday Omdurman

Omdurman (Raxanreeb online) – Wasaaradda Caafimaadka Sudan ayaa Sabtidi sheegtay, in ugu yaraan 54 qof lagu dilay 158 kalana ay dhaawacmeen, kaddib marki fallaagada RSF ay madaafiic ku garaaceen suuq ku yaalla magaalada Omdurman. Sidoo kale, war kasoo baxay RSF ayaa lagu beeniyay warka kasoo baxay Wasaaradda, isla markaana duqeynta ku eedeysay ciidanka qalabka sida...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay duqeyn uu xalay Mareykanka ka geystay Puntland
Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay duqeyn uu xalay Mareykanka ka geystay Puntland

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay hawlgalka diyaaradaha Marerykanku ku beegsadeen saldhigyo iyo godad ay ku jireen kooxda Daacish oo ku yaalla gobolka Bari. “Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka geysanaysa ciribtirka halis kasta...

Ciidanka amaanka degmada Xarardheere oo gacanta ku dhigay nin oday ah qaraxyo waday
Post

Ciidanka amaanka degmada Xarardheere oo gacanta ku dhigay nin oday ah qaraxyo waday

Xarardheere (Raxanreeb online) – Ciidanka ammaanka ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa gacanta ku soo dhigay nin oday ah oo lagu eedeeyay in uu qaraxyo magaalada soo galinayay. Sidoo kale, Saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa sheegay in laga shakiyay Tarmuusyo iyo agabyo kale uu waday ninkan, waxaana baaris kaddib laga helay...

Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo xalay rasaas ku furay diyaarad Drone ah
Post

Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo xalay rasaas ku furay diyaarad Drone ah

Muqdisho (Raxanreeb online) – Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay waxaay ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo dul heehaabeysay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka. Sida ay sheegeen saraakiisha, laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu arkay meel ku dhow Villa Somalia oo ah xarunta rasmiga ah...

Cali Jeyte oo ka warbixiyay howlgaladii ka dhacay galbeedka gobolka Hiiraan
Post

Cali Jeyte oo ka warbixiyay howlgaladii ka dhacay galbeedka gobolka Hiiraan

Beledweyne (Raxanreeb online) – Ergeyga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte CIsmaan ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Al Shabaab looga xoreeyey deegaanno dhaca galbeedka Hiiraan ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka, nabad sugidda, ciidamada Hiil Walaal iyo xoogagga...

Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo Warbaahinta ka mamnuucday in ay tagaan Furimaha
Post

Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo Warbaahinta ka mamnuucday in ay tagaan Furimaha

Garoowe (Raxanreeb online) – Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu mamnuucay in Warbaahinta iyo wariyaasha fasax la’aan tagaan furumaha hore ee dagaalka, gaar ahaan Buuraha Calmiskaad. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in aysan warbaahinta kala duwan faafin karin xog ku saabsan dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ee ka socda buuraha...

Sargaal katirsan ciidanka AUSOM oo diinta ku qaatay deegaanka Lambarkonton
Post

Sargaal katirsan ciidanka AUSOM oo diinta ku qaatay deegaanka Lambarkonton

Lambarkonton (Raxanreeb online) – Sargaal katirsan ciidanka nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AUSSOM kana soo jeeda dalka Uganda, ayaa deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ku qaatay diinta Islaamka, kaddib markii uu ku qancay macaanida diinta Islaamka. Sidoo kale, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka...

Madaxweynaha soomaaliya oo ka qeyb galay shir looga hadlay xaaladda Congo DRC
Post

Madaxweynaha soomaaliya oo ka qeyb galay shir looga hadlay xaaladda Congo DRC

Congo (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Shirkaan oo ku qabsoomay fogaan arrag ayaa waxaa looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC). Madaxweyne Xasan...

Diyaarado isku dhacay Mareykanka iyo rakaab la’yahay
Post

Diyaarado isku dhacay Mareykanka iyo rakaab la’yahay

New York (Raxanreeb online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya labo diyaaradood oo kala ah ah mid rakaab iyo mid qumaatiga u kacda oo isku dhacay hawada magaalada Caasimadda Mareykanka ee Washintong DC. Diyaaradaha ayaa kala ahaa American Express oo saarnaayeen 60 ruux iyo mid qumaatiga u kacda oo siday 3 kamid ah...

Puntland oo hor istaagtay ajaanibta u gali jirtay ISIS
Post

Puntland oo hor istaagtay ajaanibta u gali jirtay ISIS

Garoowe (Raxanreeb online) – Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa todobaadkan mamnuucay in dadka ajnabiga ah ay si sharci darro ah ku soo galaan, waxayna ku amreen shirkadaha isgaarsiinta inay hawada ka saaraan SIM-card-yada lala xiriirinayo dadka aan sharciga lahayn iyo argagixisada Daacish. Talaabooyinkan ayaa ah isku day lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shabakadaha...