Axmed Fiqi oo kulan gaar laqaatay safiirka dowladda UK ufadhiyo Soomaaliya.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis, oo ay wehlineyso Mrs. Alison Blackbourne, oo ah ergeyga gaarka ah ee Badda cas iyo Geeska Africa.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxibtinimo ee labada dowladood, sigaar ah arrimaha ammniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.

Dhanka kale, kulanka waxaa qeyb ka ahaa agaasimaha waaxda Africa iyo agaasimaha waaxda bulshada Bariga Africa.

Ugudambeyn dowladda Uk oo kamid dowladaha dowladda federaalka siiyo taageero ciidan iyo mid dhaqaale, muddooyinkii dambe xoojineysay sidii ay usii balaarin leheed tageerada dhaqaale ee ay siiso dowladda federaalka, si kor loogu qaado dowlad dhiska Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.