Kismaayo (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan fogaan arag ah la yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha Doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtooyada Jubbaland, Xaalada guud ee Siyaasada dalka iyo kulamadii u danbeeyay ee shirka madasha wadatashiga Qaranka.
Dhanka kale, kulanka waxaa ka qeybgalay Danjirayaashaa Maryanka, ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Jarmalka, Midowga Yurub, sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo ATMIS.
Ugudambeyn, doorashada uu qabsanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , waxaa si weyn uga soo horjeeda oo sharcidarro ku tilmaantay dowladda Soomaaliya , lamana oga kulankan Axmed Madoobe la qaatay beesha caalamka waxa uu ka beddelayo khilaafka kala dhaxeeya DFS.
Leave a Reply