Axmed Madoobe oo sheegay in Jubbaland & Puntland ay mari doonaan wadada Somaliland ee gooni goosadka

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland,  ayaa sheegay in dawladnimadii Soomaaliya ay jid halis ah kusocoto, isagoo ku eedeeyey Madaxda dowladda federaalka in ay nidaamka burburinayaan,wuxuu sheegay in dawladnimadii ku koobantay magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe oo ka hadlay arrinta Somaliland, ayaa tilmaamay  in ay xaq u leeyihiin gartooda, laakiin ay ka raadiyeen meel fog oo ay jiri kartay meel ka dhaw, isagoo sheegay in jidka ay Soomaaliya ku socoto ay halisyo cusub ka dhalan karaan.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay  in haddii aan gacmaha la qaban madaxweyne Xasan Sheekh, ay dhici karaan in Puntland iyo Jubbaland ay qaadan dhabo ay gaar iskugu tashanayaan, kana durugsanaan karta halka hadda Somaliland laga hadlayo.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe  in haddii laga hadli jiray diyaarad saaran Hargeysa, ay mid taas lamid ah ah Jubbaland ka dhacday, kaddib markii ay diyaarad Drone ah oo Soomaaliya caalamku siiyey lagu weeraray ciidanka Jubbaland ee Raskambooni, taas oo uu sheegay in ay muujinayso masuuliyad daradda Hoggaanka dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Jubbaland..

Ugu dambeyn madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay go’aanka dekedaha saameynaya ee kasoo baxay dawladda Faderaalka, waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka bedeli karin xaqiiqada dhulka taala, taasi oo uu ku  tilmaamay in Dowladda dhexe  ku fashilantay maamulida Hawada oo ay siyaadeysay, isku dayga dekeduhuna yahay mid aan suuragal aheyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.