Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka dooday hindise sharciyeedka amniga

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 28-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka Golaha ka yeeriyey liiska magacyada Xildhibaanada ka maqan kulanka Golaha iyo tirada soo xaadirtay kulanka.

Intaasi ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ku muteystay soo xaadiritaanka kulamada golaha iyo shaqada uu ka qabtay guddiga uu ka tirsanyahay iyo sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ku muteystay wax qabadkiisa ku aadan arrimaha bulshada.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, waxaana warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha u faahfaahiyey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, iyadoo xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen qodobada hindise sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya inuu ku soo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanada islamarkaana akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.