Guriceel ( Raxanreeb Online) Ciidamada Booliska ee dowlad goboleedka Galmudug, ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan nin ku eedeysan dilka xalay gudaha degmada Guriceel looga geystay Deeq Cabdi Jaamac oo ahaa ganacsade kamid ah dadka deegaanka.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Guriceel Shaafici Jaamac Cabdi, iyo Taliyaha Booliska degmada, ayaa ka hadlay soo qabashada gacan ku dhiigalaha dilka geystay.
Taliska booliska ayaa sheegay in eedeysanaha lasoo qabtay lagu magacaabo C/fitaax Cali Xasan Diiriye, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo horkeeni doono.
Mas’uuliyada maamulka degmada Guriceel, ayaa digniin u diray dadka ku howlan falalka la xiriir dilalka aanooyinka qabiil, cidii lagu qabtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Alle hau naxariiste dilka ganacsade Deeq Cabdi Jaamac, ayaa qeyb ka noqday dilalka la xiriira aanooyinka qabiil oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka dhacayay degmooyinka iyo deegaannada maamulka Galmudug.

Leave a Reply