Booliska Soomaaliya oo xiray dhallinyaro u gafay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Howlgal ay sameyeen ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgalla degmada Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho, ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhalinyaro ah oo ku eedeeysan inay aflagaado iyo gef cad u geysteen Madaxweynaha Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim.

“Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ugu bqaaqay bulshada inay ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, waxa ayna sidoo kale Booliska shegeen in cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.