Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Tani canshuur maaha, dawladnimo maaha, ee waa Isbaaro iyo madax furasho, shacabka xusuusinaysa waayihii hoggaamiye kooxeedka.”

Muqdisho (Raxanreeb online) – Isbitaalada Banaadir iyo Martiini ee kuyaalla magaalada Muqdisho, waxaa gacanta ku heysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxaana isbitaaladaan dadka Soomaaliyeed ka heli jirreen adeegyo caafimaad oo intooda badan lacag la’aan ah ama laga qaadi jiray lacago aad u yar.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lacag ka dhigtay adeegyadii lacag la’aanta ahaa ee ay bixin jireen isbitaalada Banaadir iyo Martiini, taas oo hadda meesha ka saareysa in caasimadda laga heli karo isbitaallo bilaash ugu adeega dadka masaakiinta ah aan waxba heysan.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in lacagaha canshuurta ah ee laga qaado shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale lacagaha kale hantida umadda lagu iibiyo in aan dib loogu celin dadka waxna loogu qaban, isagoona sheegay in lacag laga dhigay isbitaalada Banaadir iyo Martini.

”Canshuurta laga qaado shacabka iyo hantida ummadda ee la iibiyo midkoodna looguma adeego, waxaana caddayn u ah in labadii isbitaal oo weligood adeegga caafimaad ee bilaashka ah bixin jiray (Banaadir iyo Martiini) lacag laga dhigay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ”’ Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur. Tani canshuur maaha, dawladnimo maaha ee waa Isbaaro iyo madax furasho, shacabka xusuusinaysa waayihii hoggaamiye kooxeedka.”

Sikastaba, isbitaalada dowladda maamusha ee hadda lacagta laga dhigay ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda horey loogu dhaliilayay in lacagaha canshuurta ah ay umadda Soomaaliyeed ka qaado aysan waxba uga qaban ayna lacagahaasi ku dhacaan jeebabka dad masuuliyiin ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.