CEERIGAABO: Boliiska Somaliland oo qof shacab ah ku dilay Ceerigaabo & xaalada deegaankaas oo kacsan

CEERIGAABO (Raxanreeb online) – Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa kacsan, iyada oo mararka qaar laga maqlayo rasaas Suuqa-hoose, halkaasi oo ciidamada Somaliland ay saaka ka dhoobeen gaadiid dagaal.

Sidoo kale, xiisaddan ayaa timi ka dib markii xalay xilli danbe ciidanka Booliiska Somaliland ay weerar ku dileen mid ka mid ah dhallinyarada magaalada oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo, iyada oo kolkaas laba askari laga dhaawacay Booliiska Somaliland.

Dhanka kale, wiilka la diley oo lagu magacaabo Salmaan Aadan Cabdi ayaa la sheegey in isaga oo dhaawac ah la geeyey Isbitaalka Guud ee degmada, balse Somaliland waxa ay xiray ninkii baabuurka ku waday, iyada oo Salmaanna uu hal kaasi dhiig-bax ugu dhintay, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sikastaba, xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaan cago badan ku taagnayn tan iyo wixii ka danbeeyey dagaalkii Laascaanood oo Somaliland jab weyn lagu gaarsiiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.