Muqdisho (Raxanreeb) Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la soo afjaray howlgal socday muddo toddobaadyo ah isla markaana lagu beegsaday fariisimo iyo aaggag ay ku suganaayeen Daacishta Soomaaliya.
Weerarka ayaa la sheegay in ay iska kaashanayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM, waxaana la sheegay in lagu dhammeystiray hawlgalkan socday muddada laba toddobaad ah oo ku dhammaaday Agoosto 23-keedii, 2025-ka.
Hawlgalkan oo ahaa weerarro cirka ah ayaa lagu beegsaday kooxda ISIS-Soomaalia ee ku sugan deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Golis oo ah meel ay ku dhuuntaan hoggaanka sare ee kooxda ISIS.
“Duqeymahan lagu beegsaday kooxda waxay caddeynayaan go’aankeena iyo sida ay nooga go’ntahay inaan ka difaacno Mareykanka iyo saaxiibadeen halista argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Janaraal Dagvin Anderson, oo ah Taliyaha Taliska AFRICOM.
Sidoo kale taliyaha waxa uu ciidamada milatariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee qeybta ka ahaa hawlgalkan, ugu hambalyeeyay sida ay qeyb weyn ugu qaateen ulinta hawlgalkan adag.
“Taliska AFRICOM, oo ay la shaqeynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijooyinka hawlgalkan. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin doono hawlgalkan si loo ilaaliyo amniga howlgalka”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo howlgalka AFRICOM.
Sikastaba, ciidanka dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay sameeynayaan qeyb kamid ah deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda.

Leave a Reply