Ciidamada xoogga oo dib ula wareegay degmooyinka ku yaalla Shabeellaha Dhexe

Ceel-baraf ( Raxanreeb Online) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka degaanka ayaa dib u qabsaday degmooyinka  Ceel-baraf, Miirtuug, iyo Cali Axmed ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Ciidanka Xoogga dalka iyo  kuwa  degaanka ayaa laba jiho ka galay degmada Ceelbaraf, iyadoo dhanka Hiiraan ay kasoo galeen ciidanka deegaanka,  waxaana howlgalkaasi la sheegay in dagaal la’aan ay si buuxda gacanta Dowladda ugu soo gasho degmada Ceel-baraf.

Sidoo kale, ciidanka xoogga dalka ayaa Al-shabaab kala wareegay degmada Mirtaqwa  ee gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Dhanka kale, dagaal culus oo qaatay 24 saac kaddib, waxaa si buuxda gacanta Dowladda ugu soo gashay deegaanka  Ceel Cali Axmed, halkaas oo ay si wadajir ah ula wareegeen ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleey.

Sikastaba, gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ka socda abaabul xooggan oo dagaalo looga soo horjeedo kooxda Al-shabaab, oo ku sugan deegaano ku yaalla gobolkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.