Ciidanka Booliska oo xiray dhallinyaro falal amni darro ah kawaday garoonka ciyaaraha Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan  Saldhigga degmada Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku kacay Falal halis galinaya naftooda iyo tan bulshada.

Dhalinyaradan ayaa la tilmaamay inay garoonka la soo galeen agab halis ah sida tooreeyada, sakiimo, iyo waxyaabo kale oo khatar ku ah ammaanka dadkii ku sugnaa goobaha dadweynaha iskugu yimaadaan ee Garoonka.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay digniin adag u dirayaan dhammaan dhalinyarada inaysan garoomada iyo goobaha kale ee bulshada la soo gelin wax kasta oo dhaawac ama dhibaato u horseedi kara naftooda iyo tan bulshada”.

Sidoo kale taliska Booliska ayaa ka digay in Tooreeyada, sakiimaha, iyo wixii lamid ah  mamnuuc ka yihiin garoomada iyo goobaha kale ee dadweynaha,  Qof kasta oo lagu helo isagoo ku kacaya fal khatar gelinaya naftiisa iyo tan dadka kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.