Ciidanka macawiisley oo weerar khasaaro geystay ku qaaday deegaanka Gaabo

Hiiraan ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya weerar xalay ay ciidanka deegaanka ee macawiisleyda Hiiraan, ay ku qadaan fariisin kooxda Al-shabaab ay ku lee yihiin deegaanka Gaabo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada macawiisleyda, ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen dagaalamayaasha Shabaab ee ku sugnaa halkaas, waxaana la tilmaamay inuu dhex maray dagaalka culus oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in ciidanka deegaanka macawiisley, ay u suura gashay in ay cagta mariyaan fariisinkii ay kooxda ku laheyd duleedka waqooyi ee deegaanka Gaabo  ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalka, ma jiro saraakiil katirsan ciidanka deegaanka ee macawiisley oo ka hadlay khasaaraha dagaalka ku gaarsiiyeen Al-shabaab iyo midka ay iyaga soo gaaray.

Sikastaba, ciidanka macawiisleyda beesha Xawaadle, ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada deegaanada ay kooxdu kaga sugan tahay gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.