Galgaduud ( Raxanreeb Online) Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Deegaanka ayaa saaka aroortii weerar gaadma ah ku qaaday Saldhigii kooxda Al-shabaab ee Deegaanka Coosweyne Gobalka Galgaduud.
Ciidamadaan oo ka baxay Degmada Ceeldheer ayaa isticmaalay Taatikada Ciidanka waxayna Dul-istaageen Saldhigii maleeshiyaadka Shabaab ee deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud.
Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 3 xubnood, halka laba kalena dhaawac ayay ku baxsadeen, isla markaana ay ciidanku ku raad jogaan.
Sidoo kale saraakiisha ciidanka hoggaamineysay, ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab uu gabalkeedu dhacay loona baahanyahay Midnimo oo kaliya, Howlgalkuna uu sii socon doono.
Ciidanka xoogga ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ku beegsanayaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply