Muqdisho (Raxanreeb online) – Dab khasaare farabadan dhaliyay ayaa xalay ka kacay dhisme ku yaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare maaliyadeed.
Sidoo kale, dhismahan ganacsi ee dabku ka kacay ayaa ku yaalla qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah lamana oga waxa sababay.
“Dabku waxaa uu qabsaday dhisme weyn oo kuwa ganacsiga ah kuna yaalla qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha kaasoo gebi ahaan basbeelay” ayuu yiri goob jooge ka mid ah dadkii halkaas u gurmaday.
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in gaadiidka dab demiska oo halkaas gaaray markiiba iyo dhismaha dabku qabsaday oo jidad fiican lahaa ay sababtay in markiiba lagu guuleysto deminta dabkaas oo gebi ahaan la bakhtiiyey intuusan ku faafin qeybaha kale ee Suuqa.
Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa haatan degan ka dib markii laga hortagay dabkaas oo haddii uu faafi lahaa geysan karay dhibaato badan, lamana soo sheegin illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo hantida ku gubatay dhismaha basbeelay oo aan la ogeyn tirakoobkeeda.
Sikastaba, suuqa bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho iyo guud ahaan geeska Afrika ayaa 30kii sano ee la soo dhaafay gubtay marar badan kuwaasoo geystay khasaarooyin malaayiin dollar gaaraya.
Leave a Reply