Dabley hubeysan oo muwaadin Soomaaliyeed ku dilay dalka Koonfur Afrika

Koonfur Afrika ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga heleya kooxo hubeysan oo muwaadin Soomaaliyeed xalay ku dilay dukaankiisa ganacsi eek u yaalay  deegaanka Greenbushes  oo hoostaga magalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Alle hau naxariiste muwaadinka Soomaaliyeed ee goobtiisa ganacsiga lagu dhex dilay, ayaa lagu magacaabi Cabdiqani Hilowle Cabdikariin.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in kooxaha hubeysan ee dika fulay ayaa lagu sheegay in ay garayeen ilaa iyo saddex dhagar qabayaal.

Ciidamo katirsan booliska dalka Koonfur Afrika, ayaa gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, iyaga oo sameeyey baaritaano ku aadan qaabka uu falka dilka ah u dhacay, balse lama sheegin cid ay u soo qabteen dilka.

Sikastaba ha ahaate dalka Koonfur Afrika, ayaa si joogta ah loogu beegsada dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqo tagay, mana jirto ilaa iyo hadda cid wax ka qabatay dilalka iyo dhibaato loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.