Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in maanta markale uu dib u qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya ii uu yahay mid xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hub culus, isla markaana uu ka socdo gudaha magaalada.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay maadama uu weli socdo, waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in ciidamada ay galeen xaafado kamid ah magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalkan ayaa noqonaya kii afaraad oo muddo 10 maalmood ah halkaasi ku dhex maraya labada ciidan, waxaana ka dhashay khasaaro lixaad ah oo dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Ugu dambeyn ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalka maanta markale dib uga qarxay magaalada.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply