Dagaal culus oo udhexeeyo labo maleeshiyo Beeleed oo ka socdo gobolka Mudug.

 Galmudug (Raxanreeb online) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa saakay dib uga qarxay degaanka Buq oo wax yar u jira degmada Towfiiq ee gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, waxa uuna dagaalkaan daba socdaa dagaal kale oo shalay agaasi ka dhacay.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in labada maleeshiyo beeleed ee dagaalku u dhaxeeyo isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana inta badan cararay oo guryahooda ka qaxay dadkii shacabka ahaa ee degnaa aagga dagaalku ka socdo.

Dhanka kale, khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalka maalintii labaad socda, waxaana guul dareestay dedaalo la doonayay in dagaalka lagu joojiyo laguna kala dhax galo maleeshiyaadka dagaallamaya.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaannada hoostaga Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa wararku sheegayan in ay ku dhinteen dad ka badan 10-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaallamay, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Sikastaba, Colaada u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ee dagaallamaya ayaa marar badan oo la isku dayay in xal laga gaaro lagu fashilmay, waxaana hadda socda dedaalo ay wadaan waxgarad oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka socda dibna wadahadal loo furo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.