Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ka socda gobolka Gedo

Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in markale saakay uu dib u qarxay dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda tuulada Amiin oo ku taalla duleedka magaalada, halkaasi oo ay saldhig  ku la haayen ciidanka Jubbaland.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray labada dhinac ee dirirtu u dhaxeeyso.

Saraakiisha ciidanka dowladda, ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, waxa ayna shegeen inay qabteen qaar kamid ah ciidanka Jubbaland, sidoo kalana  ay qabsadeen saldhigii ay ku sugnayeen ciidanka Jubbaland.

Dhinaca Jubbaland, ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay oo ku aadan dagaalka saakay dib uga qarxay duleedka magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.