Kismaayo (Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaray gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in dagaal Culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu hada ka socda deegaanka Buula Xaaji ee ku yaalla gobolkaasi.
Dagaalka ayaa waxa u dhaxeeyaa ciidamada Jubbaland iyo ciidamada deegaanka, iyada oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu uu ka bilaawday gabar qaadley ah oo si arxan daran ay u dilen ciidanka Jubbaland, kadibna askartii gabadha dilay ayaa hal meel lagu wada toogtay intaas kadibna dagaal ayaa qarxay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xiradii Ciidamada ay dad careeysan ay dab qabadsiyeen.
Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco.

Leave a Reply