Muqdisho (Raxanreeb online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, waxaana loo magacaabay Maxamed Axmed Amiir.
Sida lagu shaaciyay wareegtada waxaa Madaale lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir oo kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uulkan cusub urajeeyay in uu Alle ku asuturo mas’uuliyadda adeg ee hortaala.
Dhanka kale, madaxweyne Xasan ayaa guddoomiyaha cusub faray in uu sii ambaqaado howlaha baaxada leh ee horyaala, uuna ka shaqeeyo soo diyaarinta doorasho qof iyo cod ay bulshada udareeraan.
Leave a Reply