DEG DEG: Qarax ka dhacay degmada Karaan gaar ahaan xaafada Jamhuuriya Cali Geedi.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Qarax jugtiisa laga maqlay xaafada degmada Kaaraan ayaa ka dhacay xaafada Jamhuuriya Cali Geedi ee degmada Kaaraan.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 4 qofood halka ay ku dhaawacmeen 4 qofood oo kale.

Dhanka kale, qaraxa ka dib waxaa goobta gaaray ciidanka laamaha ammniga, iyagoona xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna halkaas ka bilaabeen baaritaano ku aadan qaraxaasi.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi, balse falalka noocan camal ah ayaa lagu yaqaanaa Al-shabaab in ay shacabka ku dhibaateen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.