Japan (Raxanreeb Online) Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii dhulgariir cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.5 uu ku dhuftay waqooyi bari Japan habeennimadii Isniinta, kaasoo ku qasbay kumannaan qof inay guryahooda ka baxaan.
Dhulgariirku wuxuu dhacay 23:15 (14:15 GMT) meel qiyaastii 80km u jirta xeebta gobolka Aomori, sida ay sheegtay wakaaladda saadaasha hawada ee Japan. Waxay dhalisay digniinno tsunami ah.
Qaar ka mid ah adeegyadii tareennada ayaa hakad ku jira, kumannaan guri ayaa koronto la’aan ku noqotay.
Maamulka ayaa sidoo kale ka digay in gariir xoog leh uu dhici karo maalmaha soo socda – iyaga oo shacabka ugu baaqay in ay feejignaadaan ugu yaraan hal toddobaad, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Leave a Reply