Sanaag ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in maanta dibax looga soo horjeedo dilkii loogu geystay Caaqil Cabdullaahi Cumar, uu maanta halkaasi ka dhacay.
Dibaxa oo ay dhigayaan dad ka careysan dilka Caaqilka, ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Puntland iyo Imaaraatka Carabta oo ay ku eedeeyeen inay iska kaashadeen dilka Caaqil Cabdullaahi.
Dadka dhigayay dibaxa ayaa gubay calanka Puntland, iyaga oo sheegay in Puntland ay si dhaqsi ah uga baxdo deegaanada gobolka Sanaag.
Dhinaca kale maamulka Puntland, ayaa ciidamada amniga gaar ahaan cutubyada PMPF, iyo daraawishta ku soo daabushay gobolka Sanaag, si ay uga hortago dhaq dhaqaaqa maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in shacabka badan ay ka barakaceen deegaano ku yaalla gobolka Sanaag, kuwaasi oo ka cabsi qabo in dhibaato ay kasoo gaarto duqeymaha diyaaradaha, maadama diyaarado aan laga raneynin ay dul hee haabayaan deegaano ku yaalla gobolka Sanaag.
Ciidamada amniga Puntland, ayaa weli waxa ay baaritaano kawadaan goobtii lagu duqeyay Caaqil Cabdullaahi Cumar, iyaga oo sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan duqeynta.

Leave a Reply