Burundi ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye, ayaa sheegay in ilo sirdoon oo lagu kalsoon yahay ay ka ogaadeen in dawladda Rwanda doonayso weerar ay dalkiisa ku soo qaado isaga oo ka codsaday in ay dagaalkaas ka joojiyaan oo wada hadalla lagu xalliyo xiisadda hadda taagan.
Burundi waxay ku doodaysa in Kigali hadda doonayso fara gelin ciidan oo ay dalkeeda ku samayso taas oo dhici karta maalmaha iyo bilaha soo socda.
Sidoo kale dawladda Rwanda ayaa sheegtay in ay taasi tahay war aan sal iyo raad toonna aan lahayn oo aanay waxba ka jirin walaac haysta dawladda Burundi.
Dalka cabsidu hadda soo food saartay ee Burundi waxa uu ka mid yahay waddaamda ciiddamada nabad ilaalintu ka joogaan Soomaaliya ee ku hawlan sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa xilli ay u werwersan tahay amnigii dalkeeda.
Leave a Reply