Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo iska kaashanaya xalinta dagaal beeleedyo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Lambar Konto (Raxanreeb online) – Dadaal wada jir ah oo lagu doonayo in wax looga qabto dagaal beeleedyada ka taagan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed waxa ay bilaabeen qorshe wadajir ah oo la doonayo in lagu soo afjaro colaadaha iyo nabad ku soo dabaalida deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday.

Colaadan oo soo kala dhex-gashay beelo dhowr ah oo wada dega gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay keentay in labada mas’uulba ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah. Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa loo diray deegaanka Lambar Konton iyo deegaanada ku xeeran halkaasoo xiisado colaadeed ay ka jireen ujeedkooda ayaa ah sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay, isla markaana ay soo afjari lahaayeen colaadaha ragaadiyay xasiloonida gobolka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen mas’uuliyiinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara laga gaaro. Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in dadka deegaanka ay dareemaan ammaan oo ay ku sugnaan karaan guryahooda iyaga oo aan ka baqin in ay bartilmaameedsadaan kooxaha hubeysan. Colaadda taagan ayaa sababtay barakac xooggan iyo amni darro, iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ay naftooda u baqeen.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa mowqif adag ka qaatay maleeshiyaadka hubeysan ee dhibaatada u geystay. Mas’uuliyiinta ayaa wacad ku maray in ay gacan bir ah ku qaban doonaan “kuwa hurinaya colaadaha qabaa’ilka iyo sii wadida colaadaha.

Habka ay dowladdu u wajaheyso waxaa ka mid ah dadaallada milateri iyo kuwa dublamaasiyadeed ee lagu doonayo in hubka looga dhigo maleeshiyaadka iyo in dib u heshiisiin laga dhex sameeyo beelaha ay dhibaatadu saameysey.

Qorshahan wadajirka ah ayaa ka dhigan tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday xasilinta gobolka Shabeellaha Hoose oo in muddo ah ay ragaadiyeen khilaafyo beeleed. Labada dowladood ee federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan wadashaqeyntooda inta nabadda laga soo celinayo, lagana xaqiijinayo amniga dhammaan dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.