Dowladda Mexico oo bilowday howlgalo ka dhan ah dadka Mujaahiriinta doonaya in ay galaan Mareykanka

Mexico (Raxanreeb online) – Dowladda Maxico ayaa bilowday howlgalo ay ku qab qabanayso dadka muhaajiriinta ah ee doonaya in dalkooda ka galaan Mareykanka, waxa ayna ciidamada booliiska iyo kuwa ilaalada xuduudaha xir xireen dad badan oo doonayay in ay galaan Mareykanka.

Sidoo kale, war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Maxicio ayaa lagu sheegay in saacado gudahood lagu xir xiray dad gaaraya 5,200 oo muhaajiriin, dadkan ayaana laga qab qabtay meelo kala duwan oo katirsan dalka Maxico, kahor inta aysan gudaha u galin Mareykanka oo ay kusii jeedeen.

Dhanka kale, tallaabadan dowladda Maxicio ku xir xirtay muhaajiriinta ayaa timid , kaddib markii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump uu ugu hanjabay Mexico inuu saari doono wax soosaarkeeda cashuur 25%, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sikastaba, dowladda Maxico, ayaana qaaday howlgalkan qab qabshada ah si ay uga badbaadaan canshuurta dheeraad ah uu ugu hanjabay Madaxweyne Donald Trump, waxa ayna qab qabashada muhaajiriinta waji uga raadineysaa maamulka cusub ee Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published.