Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisayay howlgallo ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hir-shabeelle-Somalia ( Raxanreeb Online) Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan, oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka  ay ka sameyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Ceelka Nuur Gadow lagu dilay 5 xubnoo  oo katirsanaa Al-shabaab, laguna gubay gaadiid ay wateen.

“Howlgalka  waxaa lagu beegsaday  xubno katirsan Al-shabaab oo deegaanka u yimid in Ceelka ay biyo ka dhaansadaan, balse ciidanka xoogga oo xogtooda hayay ayaa ku baxay goobtana ku toogtay” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar.

Sidoo kale afhayeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Abooreey  ee gobolka Hiiraan, jab culus  lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

“ Ciidanka xoogga waxa ay howlgallo ka wadaan deegaanka Abooreey iyo nawaaxigiisa, iyaga oo ku baacsanaya Khawaarijta , khasaaro badan ayaa cadowga lagu  gaarsiiyay howlgalka, welina waxaa socda tirakoobka gadaal ayaan kasoo sheegi doonaa” ayuu yiri afhayeenka.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka sameeynayaan  deegaanada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Leave a Reply

Your email address will not be published.