Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay in muwaadiniintooda kala baxaan Lubnaan xili wadamada dadkooda kala baxayaan.

Lubnaan (Raxanreeb online) – Wadamada caalamka qaarkood ayaa bilaabay in ay muwaadiniintooda kala baxaan dalka Lubnaan xili dalkaas ay ka socdaan duqeymo culus oo ka dhan ah Xisbullah.

Sidoo kale, garoonka diyaaradaha Beirut waxaa sixowli ah ugu socdo duulimaadyo joogto ah, xilli ay Isra’il si maalinle ku dhow iyana duqayn ugu waddo qaybo ka mid ah caasimadda.

Marka ay ugu yaraato ilaa 23 waddan ayaa sameynaya dadaalo ay Lubnaan uga saarayaan muwaadiniintooda, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhanka kale, dalka Ingiriiska ayaa sameeyay saddex duulimaad oo ingayr ah ilaa iyo haatan, mid afaraadna waxaa la filayaa in uu kaco berri oo Axad ah.

Diyaaradda South Korean air force ayaa 97 muwaadiniinta dalkaas ah ka qaaday Lubnaan maanta oo Sabti ah

Mareykanka ayaa daad-gureyn aan horey loo arag sameynaya sidoo kale dalalka Midowga Yurub oo isku furay khadka caawimaada iyo soo daabulida muwaadiniintooda

Soomaali aan tiradooda la aqoon oo u badan arday ayaa ku nool dalka Lubnaan kuwaasoo la sheegay iney halkaas ku heysato xaalad adag.

Dawladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in safaaradda ay ku leedahay Suuriya oo hoos tagto Lubnaan ay raadiso hab ay ku soo saaraan muwaadiniinta ardayda u badan, sida inay dalalka kale ee Afrika ka codsadaan inay kuraas u qoondeeyaan muwaadiniinteenna, sidoo kale Turkiga ayaa diyaaraddo iyo maraakiib u diraya Lubnaan, waxay Somalia codsan kartaa inay ka dalbadaan ardayda iyo dadka aan awoodin inay tikidhada hadda qiimaha sare lagu iibsanayo goostaan inay soo qaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.