Muqdisho ( Raxanreb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libiya.
145 Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa maanta dowladda Soomaaliya waxa ay kasoo dejiysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo madax ka socotay hay’addo Caalami ah.
Qaar kamid ah dhallinyarada dalka ku soo laabtay, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dalka ku soo laabtaan, iyaga oo sheegay in rafaad adag ay kula kumeen dalka Libiya, waxa ayna qireen in ayaga ay go’aansadeen in dalka ay ku soo laabtaan, markii qaar kamid ah saaxiibadood ay ku geeriyodeen xasbiyada ay ku xiranaayeen.
Isaaq Maxamuud Mursal oo ah wasiirka ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda, oo goobta ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dalka ay ku soo celiso dib walbo oo duruuf adag kala kulanta Tahriibka.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wacyi-gelin doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed, si kuwa qorsheynaya Tahriibka looga celiyo oo ay dalkooda u joogaan.
Leave a Reply