Dowladda Soomaaliya oo Soomaalidii ugu horeysay kasoo celineysa.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Dawladda Soomaaliya ayaa u dirtay dalka Jarmalka wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS, si ay u dhameystiraan qorshaha celinta dad gaaraya 120 qof oo ay dawladda Jarmalka mudo dheer xabsiyo ku haysay, kuwaasoo dambiyo kale duwan galay.

Sidoo kale, soo celinta 120ka qof ayaa dhaqaale waxaa uu ka soo galayaa dhinaca dawladda Federaalka, iyadoo dhawaan madaxweynuhu sheegay inay aqbaleen in dadkaas lagu celsho Soomaaliya.

Dadka la soo celin doono, waxaa kujira xubno horey uga mid noqday ilaa darajo sare ka gaaray kooxdii Daacish ee Ciraaq iyo Siiriya, kuwaasoo sanado xabsi ah kadib Soomaaliya loo tarxiilayo.

Dhanka kale, agaasimaha Guud HSJ Ahmed Said Mohamed iyo wafdigiisa oo uu wehlinayo Safiir kuxigeenka JFS ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay madaxda Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee dalkaas iyagoo Dhinaca kale kala hadlay muhiimada ay leedahay aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga ah iyo wadashaqaynta horumarinta xiriiirka labadda dal ee dhinacyadda socdaalka.

Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa ayaa kulamo la qaatay Madaxda Booliiska Dowlada Jarmalka iyagoo booqasho ku tagay Garoonka Caalamiga ah Berlin Brandenburg waxauna u kuur galeen habka iyo nidaamka shaqo oo ay dowlada Jarmalka u ilaaliso socdaalka iyo maaraynta soo galootiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.