Muqdisho (Raxanreeb online) – Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa Saldhigga Xamar jajab ayaa soo xiray wiil dhalinyaro ah oo ku eedeysan inuu ku kacay fal anshax daro ah.
Wiilkaan dhalinyarada ah ee loo soo xiray falka anshax xumada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ah 18 jir ku eedeysan inuu xirtay dharka dumarka.
“Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Jajab. ayaa soo xiray eedeysane, Cabdiraxmaan Maxamed Cumar 18 jir ah kuna eedeysan in uu ku kacay falal Anshax-Xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.
Ninkan ayaa Saldhiga Xamar Jajab lagu soo bandhigay isagoo ku labisan dharka dumarka xirtaan ee xijaabka ah, lamana faahfaahin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay wiilkaan dhalinyarada ah inuu xirto dharka haweenka.
Booliska gobolka Banaadir ayaa Ugu dambeynti shacabka Soomaaliyeed ka codsay, iney si deg deg ah ula soo wadaagaan Booliiska hadii ay arkaan falal lidi ku ah amaanka guud ee magaalada Muqdisho.
Leave a Reply