Dowladda UK oo Isra’iil ku eedeysay dambi dagaal in ay ka geysatay gudaha Gaza.

London (Raxanreeb online) – Wasaaradda difaaca dowladda Ingiriiska ayaa shalay oo Jimco aheyd ku dhawaaqday inay heyso caddeymo la xiriira gabood fallada iyo dambiyada dagaal ee ay Israa’iil ka geysanayso marinka Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta.

Sidoo kale, War- saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Ingiriiska, ayaa lagu caddeeyay haddii codsi rasmi ah uu ka yimaado maxkamadda dambiga caalamiga ah in lagu wareejin doono caddeymahan dambiyada dagaal ee Israa’iil gashay, sida u sheegay wargeyska The Times ee Ingiriiska ka soo baxa.

Dhanka kale, diyaaradaha sahanka iyo sirdoonka ee Ingiriiska ayaa ku sugan hawada Qasa, tan iyo bishii December,2023 , iyagoo ka caawinaya Israa’iil inay hesho goobaha lagu hayo maxaabiista, balse hadda si aan ku talagal ahayn ayaa la sheegay in diyaaradahaa Ingiriiska ay duubeen muuqaallo iyo sawirro muujinaya falalka ka dhanka ah aadanaha iyo dambiyada dagaal ee ay Israa’iil ka sameynayso gudaha Qasa.

Ingiriiska wuxuu noqonaya dalkii u horreeyay ee si rasmi ah u sheegaya inay diyaar u yihiin maxkamadda dambiyada ku wareejiyaan caddeymo muujinaya dambiyada Israa’iil ay ka sameynayo gudaha marinka Qasa.

Ciidamada Israa’iil, ayaa magaalada Gasa ka geestay xasuuq iyo tacadiyo xanuun badan, waxa ayna halkaasi ky dileen dad ka badan 42 kun oo qof shacab ah , una badnaa carruur iyo haween birimageedo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.