Duqa Muqdisho oo sheegay in sannadka 2026 Muqdisho lagu arki doonin waddooyin burbursan

Xamar ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Nasiib Buundo, qaybteeda degmada Shibis, taas oo si buuxda u dhammaatay, kana mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in waddadan tayadeedu sarreyso, 100% ay maalgelisay Dowladda Hoose ee Xamar, taas oo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee maamulka ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaalada.

“Maanta waxa aan u taagannahay mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka, gaar ahaan xarig-ka-jarka Waddada Nasiib Buunde ee degmada Shibis, taas oo si rasmi ah u dhammaatay. Waddadan aad maanta arkaysaan waa mid si heer sare ah loo dhisay, waxaana si buuxda u maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab.

Guddoomiyuhu waxa uu u mahadceliyey shirkadda fulisay mashruuca, isaga oo xusay in heshiiska lala galay uu dhigayo mas’uuliyad buuxda oo la xiriirta tayada dhismaha iyo damaanad-qaadkeeda.

“ Annaga sideenaba hadafkeenu waxa uu yahay, Muqdisho in ay noqoto magaalada nabdoona Sannadka cusub ee 2026-ka Muqdisho laguma arki doono laami burbursan iyo waddo bacaad ah” ayuu yiri guddoomiye Muungaab.

Waddada Nasiib Buundo, oo isku xirta jidka Beexaani ilaa Maanaboolyo ee degmada Shibis, ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshe ballaaran oo horumarineed, iyadoo la bilaabay wajiga labaad ee dariiqaan oo ka billaabanaya Boondheere islamarkaan tegaya ilaa darbiga Madaxtooyada Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.