Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Galgaduud.

Galgaduud (Raxanreeb online) – Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka ayaa weeraro qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida wararku sheegayaan.

Weerarada la beegsaday ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Masagawaay, Baraag Sheekh Caamir ilaa Owsweyne, waxaana weerarka fuliyay diyaarado loo maleynayo in ay leeyihiin dowladda Mareykanka, kuwaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in Al-shabaab ay khasaare xooggan gaarsiiyeen intii ay socdeen howlgallada cirka ah oo lagu beegsaday xubno aan magacyadooda iyo xogtooda la shaacin.

Sarkaal kale oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah ay la beegsadeen goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay weeraro.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee qaabilsan howlgallada ka socda Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaan weli faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay, iyo howlgallada qorsheysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.