Duufaantii ugu xoogganeyd sanadkan oo ku dhufatay Jamaica

Jamaica ( Raxanreeb Online) Saddex qof ayaa ku dhintay Jamaica iyada oo wajaheysa duufaantii adduunka ugu xoogga badnayd sanadkan – oo laga yaabo inay tahay tii ugu xoogga badnayd ee jasiiradda – iyada oo khubarrada saadaasha hawada ee Mareykanka ay ka digayaan “masiibo iyo xaalado nololeed”.

Xawaaraha dabaysha oo ah ilaa 175mph (282km/h), Duufaanta Melissa waa duufaanta qaybta shanaad – marka la eego duufaannada ugu xoogga ugu badan.

Way sii xoogaysanaysaa waxaana la filayaa inay gaarto jasiiradda Kariibiyaanka horraanta Talaadada maanta.

Afar qof oo ku dhintay Haiti iyo Dominican Republic ayaa loo aaneynayaa duufaantan, marka lagu daro dadka ku dhintay Jamaica.

Khubarrada ayaa ka digaya in gaabiska ay Melissa ku socoto laga yaabo in meelaha qaar ay ka geysato roobab mahiigaan ah oo daba dheeraaday meelaha qaar, taas oo kordhinaysa khatarta fatahaadaha iyo goynta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.